Ander Herrera iyo kabtanka Atletico Madrid Gabi oo wajahaya xabsi 2 sanno ah iyo 6 sanno oo laga joojinayo kubadda cagta

0
1137

Mid ka mid ah fadeexooyinkii ugu waqtiga dheeraa kubadda cagta Spain iyo baaritaan muddo dheer socday ayaa gabagabo ku dhow.

Kubadsameeyaha reer Spain Ander Herrera oo hadda u ciyaara kooxda Manchester United iyo kabtanka Atletico Madrid Gabi ayaana kiiskaani uu ku saabsan yahay.

Ander Herrera iyo Gabi ayaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi min laba sanno ah iyo lix sanno oo laga ganaaxi doono kubadda cagta.

Maxaa yeelay labadaan xiddig ayaa lagu helay inay ku lug lahaayeen ciyaartii natiijadeeda la qorsheeyey ee kooxdooda Real Zaragoza ay la ciyaartay kooxda Levante sannadkii 2011kii.

Natiijada ciyaartaas si cad ayaa loo go’aamiyey, waxaana lagu heshiiyey in kooxda Real Zaragoza lagu sii hayo horyaalka La Liga maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedka.

Real Zaragoza ayaana 2-1 uga badisay Levante ciyaartii ka dhacday garoonka Estadio Ciutat de Valencia.

Ciyaartaas natiijadeeda in la qorsheeyo waxaa door weyn ka ciyaaray Ander Herrera iyo Gabi sidaas darteed xabsi laba sanno ah iyo ganaax lix sanno ah oo guud ahaan kubadda cagta ah ayey wajihi karaan labadooduba, sida ay Marca sheegeyso.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan