Waa maxay rikoorka uu caawo Giorgio Chiellini gaari doono kulanka Tottenham hadii uu safto

0
559

 

Ruug cadaa Giorgio Chiellini wuxuu ka mid yahay daafacyada Juve caawo kusoo bilaabi doonto kulanka adag oo ay naadiga Tottenham wajahayaan wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub lugtiisa kowaad.

Hadii Giorgio Chiellini uu caawo kulankan adag safto wuxuu dhanka cayaartooyda Juve taariikh ahaan ugu safasho badan dhaafi doonaa ruug cadaa Giampiero Boniperti.

Daafacan dhexe haatan Juve wuxuu u cayaaray 459-kulan dhamaan tartamada kala duwan waana kulamo la mid ah inta uu weeraryahankii hore Giampiero Boniperti marwada duqda u cayaaray.

Chiellini caawo wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa cayaaryahanka 7-aad ee Juventus taariikh ahaan ugu safasho badan.

Alessandro Del Piero ayaa ugu safasho badan Juventus wuxuuna u cayaaray 705-kulan oo caalami ah halka Gianluigi Buffon uu kaalinta labaad ku jiro asigoo cayaaray 641-kulan.

Gaetano Scirea oo kaalinta sedexaad dhanka safashada ku jiro wuxuu Juve u saftay 552-kulan halka Beppe Furino uu isagana cayaaray 528-kulan.

Chiellini yoolkiisa xiga wuxuu noqon doonaa inuu Dino Zoff soo qabto kaasi oo Juve u cayaaray 476-kulan.

Chiellini qandaraaskiisa dhamaadka xili cayaareedkan ayuu ku egyahay laakiin waxaa lagu kalsoon yahay inuu Juve heshiis cusub u saxiixi doono inkastoo da’diisa haatan 33-sano sii caga cageeneyso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan