SAWIRRO: Weeraryahannada Kooxda PSG oo ku kaftamay tababarka ka hor kulankooda Real Madrid ee Champions League

0
1172

Xiddigaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa maanta qaatay tababarkoodii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayaan kulanka Real Madrid ee Champions League.

Ciyaartoyda PSG ayaa ka qeyb qaatay tababarkii kooxdu ay maanta isugu diyaarinaysay kulanka habeen dambe ee Wareegga 16-ka Champions League oo ay la leeyihiin Los Blancos.

Weeraryahannada halista ah ee Neymar Jr, Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe ayaa sawiro laga soo qaaday iyagoo ku kaftamayey tababarka kooxdooda PSG isugu diyaarinayso kulanka habeen dambe ee Champions League.

Paris Saint Germain ayaa u safreysa garoonka Santiago Bernabeu si ay halkaas ugula soo ciyaarto habeen dambe kooxda Real Madrid lugta hore ee wareegga 16-ka Koobka Horyaalladda Yurub.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa dhawaan lugtiisa ku sawirtay Tattoo koobkii Champions League ee uu la soo qaaday kooxda Barcelona sanadkii 2015-kii si uu ugu yaraan dhiiro gelin ugu noqdo kulanka uu booqanayo Los Blancos habeen dambe.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan