RASMI: Real Madrid oo shaacisay 24-ka ciyaaryahan ee ay habeen dambe kala hortagayso kooxda PSG – Yaa maqan?

0
1041

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay 24-ka ciyaaryahan ee uga qeyb qaadanaya kulanka ay habeen dambe la leeyihiin naadiga PSG lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League.

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo doortay dhammaan ciyaartoydiisa marka laga reebo Dani Carvajal oo ganaax ku seegaya kulankan.

Real Madrid ayaa habeen dambe garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhaweynaysa kooxda Paris Saint Germain lugta hore ee wareegga 16-ka Koobka Horyaalladda Yurub.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 24-ka xiddig ee Real Madrid u metelaya kulanka PSG:-

Goolhayeyaasha: Keylor Navas, Casilla and Luca.

Difaaca: Carvajal, Vallejo, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Theo and Achraf.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Llorente, Asensio, Isco, Kovacic and Ceballos.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vázquez and Mayoral.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan