Philippe Coutinho oo bisha June dib ugu soo laabanaya garoonka Anfield si uu ugu ciyaaro kulan…

0
575

Laacibkii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabanaya garoonka Anfield bisha June, si uu kulan ugu ciyaaro halkaas tan iyo markii uu Barcelona ugu biiray 142 milyan oo gini suuqii Janaayo.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Coutinho ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool dib ugu soo laabanaya, isagoo qorsheynaya inuu dhammaadka xilli ciyaareedka soo booqdo garoonka uu sida wacan ugu soo shaac baxay ee Anfield kuna ciyaaro halkaas kulan kubadda cagta ah.

Waxa uu garoonka Anfield marti gelin doonaa kulan saaxiibtinnimo oo dhex mari doona xulalka Brazil iyo Croatia, marka ay taariikhdu tahay 3 bisha June ee sanadkan, waana taas sababta uu Coutinho dib ugu soo laabanayo Magaaladiisii hore ee Liverpool.

Kulankaas ayey xulalka qaranka Brazil iyo Croatia isugu diyaarinayaan Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka.

Waxa uu kulankaasi fursad fiican u yahay taagaarayaasha kooxda Liverpool si ay si fiican ugu sagootiyaan laacibkoodii hore oo 5 sano iyo bar ma talayey Reds ka hor intii uusan ka tagin oo ku biirin naadiga reer Spain ee Barca.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan