Macalin Guardiola oo ku faraxsan in Sane si dhaqsi ah kaga soo kabtay dhaawacii uu ku maqnaa

0
429

 

Cayaaryahan Leroy Sane ayaa ka mid ah xidigaha uu macalin Pep Guardiola usoo xushay kulanka Man City caawo wajaheyso naadiga FC Basel wareega 16-aad Championka lugtiisa kowaad.

Macalin Pep Guardiola ayaa ku faraxsan in Sane uu xili hore kasoo kabtay dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray 28 Janaayo 2018 tartanka FA Cup-ka kulan ay City wajahday Cardiff City.

Guardiola wuxuu yiri “Aadban ugu riyaaqay in Sane xili hore kasoo kabtay dhaawacii halista ahaa ee qoobka ka gaaray”

“Weliba waan la yaabahanay inuu diyaar u yahay caawinta kooxdiisa ayadoo horey loo sheegay inu ugu yaraan lix todobaad garoomada ka maqnaan doono”

“Sane waa cayaaryahan dhameestiran inkastoo uu yahay wiil dhalin yar hadana sida ay kaga go’antahay inuu kooxdiisa u caawiyo ayaa siweyn ii soo jiidatay”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan