Laacibka Chelsea ee Eden Hazard oo digniin u diray kooxda Barcelona, ka hor kulankooda Champions League

0
1126

Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diginiin u diray naadiga Chelsea, kaddib guushii ay xalay ka gaareen naadiga West Brom, kulankaasoo oo uu labo gool dhaliyey.

Kooxda Blues ayaa marti qaadi doonta naadiga Barca lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League, ka hor inta aysan kooxda reer England lugta labaad ee 16-ka Koobka horyaalladda u safrin garoonka Camp Nou.

Haddaba xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa ka dhawaajiyey in kooxda Chelsea ay soo laabatay kaddib labadii kulan oo ay guuldarrada la kulantay, waxaana uu xusay inay diyaar u yihiin haatan inay dhibcaha ka qaataan kooxda reer Spain ee Barcelona.

Hazard ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen naadiga West Brom u sheegay Sky Sports: “Dabcan waxaan muujinay jawaab celin, si wanaagsan ayaan ku sameynay taageerayaasheenna hortooda, markas waa ay fiican tahay inaad icyaarto kulan ceynkaan oo kale ah”

“Haatan waxaan leenahay labo kulan oo ay ku wajahayno kooxaha Hull iyo Barca, diyaar ayaana u nahay.”

“Inooma ahan waqti fiican, maxaa yeelay waxaan guuldarreysannay labo kulan, laakiin haatan waan soo rogaal celinay”

“Chelsea ayaan nahay, waxaan nahay ku guuleystayaasha Horyaalka, waana inaan bixinaa wax kasta.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan