HT – Chelsea oo hogaamineysa qeybta hore kulanka xiisaha leh ee ay Stamford Bridge kula ciyaareyso West Brom.

0
346

Chelsea ayaa hogaanka u heysa kulanka xiisaha leh ee ay Stamford Bridge kula ciyaareyso West Brom, waxeyna goolka ka heleen Eden Hazard si qurux badan u dhameystiray kubad uu ka helay Olivier Giroud.

Weeraryahanka cusub ee Blues Olivier Giroud ayaa saameyn aan caadi aheyn kulanka ku yeeshay, maadaama uu laba jeer isku dayay, midna waxaa ka badbaadiyay Foster midna waxey aheyd qalaama rogaal mana ku aadin goolka.

Sidoo kale Zappacosta ayaa isna qasaariyay fursad gool loo fishay inkastoo garab dhaaf ay aheyd hadana – Hazard ayaa si fudud ugu soo gudbiyay waase laga badbaadiyay.

Qeybta hore kulanka waxey ku dhamaatay Blues oo 1-0 ku hogamaineyso, mar walbana gacanta ayey ku hayeen kulanka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan