HORDHAC: Juventus v Tottenham- Labada Koox Oo Kulmaya Markii Ugu Horreysay

0
797

Wiilasha Mauricio Pochettino ayaa u safraya Torino halkaas oo ay kula ciyarayaan kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A ee Juventus.

Tottenham ayaa dib u bilaabi doonta ololaheeda tartanka Champions League, iyagoo u safraya Italy lugta hore ee wareega 16ka.

Labada kooxood ayaa isku soo aaday xili ay qaab ciyaareed adag kujiraan, iyadoo Spurs ay guul ka gaartay Arsenal kulankii Wembley ee sabtidii.

Dhanka kale, Juventus ayaa la ciyaari doonta Spurs iyadoo kujirta qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa , waxaan ay guuldarro la aan yihiin tan iyo bishii November.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Allianz Stadium

SAACADA: 10:45 Pm

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX?

Daafaca Tottenham Toby Alderweireld ayaan u safrin Torino, halkaasoo kooxdiisa kulan katirsan wareega 16ka Champions League ku wajaheyso kooxda Juventus.

Alderweireld ayaa dib ugusoo laabtay dhaawac soo gaaray bishii November, laakiin xaalad la xiriirta mustaqbalkiisa kooxda ayaa loooga saaray safarka Italy.

Alderweireld oo qandaraaskiisa dhacayo xagaagan, wuxuu ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda kulankii FA Cup kooxdiisa ka badisay Newport, laakiin kama uusan muuqan kulan Premier League ah tan iyo 28kii bishii October.

Dhinca kooxda Juventus oo kujirta kaaalinta labaad ee Serie A, waxaa ka maqnaan doona Paulo Dybala, Juan Cuadrado, Andrea Barzagli iyo Blaise Matuidi.

Stephan Lichtsteiner ayaa sidoo kale shaki laga qabaa, halka Benedict Howedes uu dhaawac ku seegi doono kulamada Champions League kooxdiisa ciyaareyso inta ka dhiman xili ciyaareedkaan.

XAQIIQADA LABADA KOOX

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ah oo dhexmara kooxahaan.

Tottenham ayaa gaartay wareega isreebreebka Champions League markii labaad seddexdii xili ciyaareed ee ugu dambeysay, laakiin waligood uma soo baxin wareega quarter-finalka.

Spurs ayaa ka mid ah afar kooxood oo aan laga badin xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, waxaana ay la wadagaan rikoorkaas kooxaha Barcelona, Besiktas iyo Liverpool.

Juventus ayaan laga badinin 22kii kulan ee ugu dambeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay tartanka Champions League, waxaa ugu dambeysay qasaaro gurigeeda ah markii Bayern Munich garaacday bishii April 2013kii.

Juventus ayaa laga badiyay kaliya labo kamid ah 19kii kulan ee ugu dambeyay Champions League (Real Madrid iyo iyo Barcelona ayaa labadaas jeer ku garaacay Finalka tartankaan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Juventus:Buffon; Rugani, Chiellini, Benatia, Sandro; Marchisio, Pjanic, Khedira; Bernardeschi, Higuain, Mandzukic.

Tottenham: Lloris; Trippier, Vertonghen, Sanchez, Davies; Dembele, Dier, Eriksen, Alli, Son; Kane.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan