Clyne iyo Gomez oo la safreen Liverpool xili ay dhaawac kasoo kabteen ka hor kulanka FC Porto (+sawiro)

0
532

 

Kooxda Liverpool ayaa u safartay dalka Portugal ayadoo habeen dambe naadiga FC Porto la cayaari doonto koobka horyaalada Yurub wareegiisa 16-aad lugta kowaad.

Macalin Klopp ayaa soo xushay kulankan adag 25-cayaaryahan oo sawiro laga qaaday xili ay Portugal kusii jeedeen waxayna ka duuleen John Lennon Airport oo ku yaalo magaalada Liverpool.

Liverpool board a plane at Liverpool John Lennon Airport ahead of their Champions League clash with FC Porto

Cayaaryahan Nathaniel Clyne oo xili cayaareedkan oo dhan Liverpool u cayaarin ayaa soo kabtay laguna daray liiska Champion-ka sidoo kalena Reds la safray.

Joe Gomez oo labadii kulan ugu dambeesay Liverpool dhaawac kaga maqnaa ayaa sidoo kale soo kabtay kooxdiisana safarkeeda qayb ka ahaa.

The Reds have named a strong squad for the first leg of the tie, with the Reds not due to play again until February 24

Cayaaryahan Emre Can oo kulanka habeen dambe ganaax ku seegayo isagana kooxdiisa wuu la safray si uu cayaartooyda kooxda ugu niyad dhiso halkii uu Anfield iska joogi lahaa.

Manager Jurgen Klopp is followed onto the plane by Mohamed Salah and Jordan Henderson

Fadlan hoos kaga bogo cayaartooyda uu macalin Klopp usoo xushay kulanka FC Porto safarkiisana ku wehliyeen:

Virgil van Dijk was also spotted among the 25-man squad boarding the plane

Karius, Mignolet, Ward, Grabara, Clyne, Van Dijk, Lovren, Gomez, Klavan, Moreno, Robertson, Matip, Alexander-Arnold, Wijnaldum, Milner, Henderson, Lallana, Oxlade-Chamberlain, Can, Woodburn, Firmino, Salah, Mane, Ings, Solanke

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan