Chelsea Oo Antonio Conte Ku Bedeleysa Tababare Laga Ceyriyay Premier League Xili Ciyaaareedkaan

0
1318

Tababaraha kooxda Watford Marco Silva ayaa laga fakirayaa in lagu aamino shaqada kooxda ka dhisan Galbeedka London ee Chelsea.

Tababaraha Blues Antonio Conte ayaa ka quustay loolanka horyaalka kadib markii uu silama filaan ah ku qaaday xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay England.

Conte ayaa la saaray cadaadis xoogan  ka dib markii laba guuldarro oo xiriir ah ay kasoo gaartay kooxaha Bournemouth iyo Watford.

Wargeysyada ayaa sheegaya in haddii la ceyriyo Conte, guddiga Chelsea ay ka fakirayaan keenista tababarihii hore ee Watford Marco Silva.

Silva ayaa si lama filaan ah ugu soo muuqday liiska musharaxiinta suurta gal ay tahay in ay la wareegaan shaqada kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Blues ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa tababare Luis Enrique iyo macalinka Napoli Maurizio Sarri.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan