Bayern Munich Oo Sabab U Ah In Arsenal Lumiso Saxiixa Xiddig Uu Jecel Yahay Tababare Wenger

0
1518

kooxda Arsenal ayaa tartan kala kulmi doonta saxiixa xiddiga Schalke ninka lagu magacaabo Max Meyer.

Meyer qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa xagaagan, waxaana hore wadahadal ula yeeshay saraashiika suuqa kooxda Gunners ee uu hogaaminayo Sven Misintat.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Schalke uu ka diiday qandaraas cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa, Arsenal ayaa loo arkayay kooxda ugu horeysa saxiixa ciyaaryahanka.

Mundo Deportivo ayaa sheegtay Maanta in Bayern Munich ku biirtay xiisaha xiddiga khadka dhexe ee kooxda Schalke, waxaana ay diyaar u yihiin in ay ka dulqaadaan Gunners.

Kooxda Munich ayaa hore ula saxiixatay saxiibka Meyer ee kooxda Schalke Leon Goretzka.

Kooxda ka dhisan Premier League ee Arsenal ayaa haatan isha ku heysa saxiixa Max Meyer oo lagu heli karo beeca xorta ah dhamaadka xili ciyareedkaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan