Xiddig kooxda Liverpool ah oo ku maadeystay Man United ka dib markii ay laba dhibcood usoo jirsadeen!

0
525

Daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa ku maadeystay kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United ka dib guuldarradii kasoo gaartay Newcastle United.

Gool soo daahay oo uu dhaliyey Matt Ritchie ayaa looga adkaaday wiilasha Jose Mourinho, saacado ka dibna Liverpool ayaa guul 2-0 ah ka gaartay kooxda Southampton.

Guushaas ayaa Reds ka caawisay inay usoo dhowaato kooxda kaalinta labaad kaga jirta horyaalka England Premier League ee Man United, iyadoo keliya laba dhibcood usoo jirsatay.

Virgil van Dijk oo wareysi siiyey Sky Sports ayaana ku maadeystay Man United ka dib markii uu wacdaro dhigay ciyaartii ay Liverpool ka adkaatay kooxdiisii hore ee Southampton.

Markii la weydiiyey haddii uu ka warqabo inay Man United guuldarro kala kulantay Newcastle ka hor inta aysan ciyaartoodu bilaaban isla maalinkaas wuxuu ku jawaabay: “Oo maxay sameysay Manchester United?”.

Ka dibna waxaa loo sheegay inay guuldarro soo gaartay Man United, wuxuuna hadalkiisa ku daray: “Ma sidaas ayaa ku dhacday? Nasiib darro ayey u aheyd. Ma ogeyn laakiin sida iska cad maalin wanaagsan ayey inoo aheyd Liverpool ahaan”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan