Waa maxay sababta saraakashiisa Real Madrid u daawan doonaan kulanka Juve Vs Tottenham

0
798

 

Habeen dambe magaalada Turin waxaa ku wada cayaari doonaan kooxaha Juventus Vs Tottenham wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub lugtiisa kowaad.

Waxaa la ogaaday in saraakiil ka socdaan kooxda Real Madrid kulankan adag daawan doonaan ayagoo Spain kasoo safreen.

Madaxda Madrid waxay kulankan adag u daawanayaan inay ku kuur galaan shax cayaareedka iyo qaabka uu wax u maamulo macalin Mauricio Pochettino.

Tababare Mauricio Pochettino tan iyo markii 2014 loo dhiibay kooxda Spurs wuxuu naadigan ka dhigan koox awood badan sanad walbana ka mid noqoto afarta naadi EPL ugu sareyso.

Madaxda Madrid ayaa la dhacsan hormarka uu sameenayo Mauricio Pochettino mana ahan wax la qarinaayo in macalinkaan la doonayo xagaaga dambe hogaanka Bernabue hadii uu isaga raali ka yahay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan