Sadex ka mid ah ciyaartoyda Manchester City oo tababarka kusoo laabtay

0
653

Sadex ka mid ah ciyaartoyda Manchester City ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka ay habeenka talaadada la ciyaari doonaan Basel kulan ka tirsan wareega 16-ka Champions League.

David Silva, Fabian Delph iyo Leroy Sane ayaa lagu arkay tababarka saakay, waxaana si weyn shaki loo galinayaa iney kasoo muuqan karaan kulanka St Jakob-Park.

Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday in sadexda xidig ee muhiimka ah ay kusoo laabteen tababarka, balse looma maleynayo iney qeyb ka noqon karaan safarka Switzerland.

Leroy Sane wali uma dhawa inuu garoomada kusoo laabto maadaama u dhawaan dhaawac soo gaaray, dhanka kale Delph tan iyo 14-kii January kama soo muuqan kooxdiisa.

Dhinaca kale Aymeric Laporte ayaa shaki la galinayaa inuu safarka ka qeyb galaayo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan