Mid ka mid ah xiddigaha Kooxda Tottenham Hotspur oo seegaya kulanka Juventus ee Champions League

0
716

Difaaca kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Toby Alderweireld ayaa la soo warinayaa inuu seegayo kulanka lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League oo ay la leeyihiin habeen dambe.

Xiddiga reer Belgium ayaa ka soo laabtay dhaawac muruqa ah oo uu garoomada kaga maqnaa in ka badan saddex bilood, waxaana uu ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii isku celiska FA Cup oo ay guusha ka gaareen Newport County.

Si kastaba, waxaa laga saaray shaxda kulankii Sabtida ee North London derby oo ay kooxdiisu guusha ka gaartay Arsenal, inkastoo la warinayey inuu taam u ahaa kulankaas.

The Telegraph ayaa warinaysa in sidoo kale uu ka maqnaan doono kulanka kooxdiisa ay u safreyso Turin, halkaasoo ay kula soo ciyaareyso habeen dambe kulan ka tirsan 16-ka Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan