Luis Enrique oo damacsan inuu xilli ciyaareedka soo aadan qabto midkood laba koox oo ka dhisan London – Maku jiraan Arsenal iyo Chelsea?

0
527

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa wuxuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa, wuxuuna xilli ciyaareedka soo aadan kusoo biiri doonaa koox ka ciyaarta horyaalka England Premier League.

Luis Enrique ayaa la filayaa inuu la wareego maamulka kooxda Chelsea  – haddii la raacdeeyo tababare Antonio Conte.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal oo iyana ka dhisan London ayaa xiiso u qabta tababaraha reer Spain iyadoo dooneysa inay lasoo wareegto haddii uu xilkaan iska casilo tababare Arsene Wenger.

Hase yeeshee, majaladda The Sun ayaa ku warameysa inay maamulka kooxda Paris Saint-Germain sidoo kale isha ku hayaan Luis Enrique, iyadoo ay u badan tahay in dhammaadka xilli ciyaareedkaan la raacdeeyo macalin Unai Emery.

Warbaahinta Spain ayaa Axaddii baahiyey inuu 47 sanno jirkaan Enrique si gaar ah isha ugu hayo labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea haddii shaqadooda tababarenimo ay bannaanaato.

AC Milan ayaana ka qeyb ah kooxaha isha ku haya xaaladda tababarihii hore ee kooxaha AS Roma iyo Celta Vigo.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan