Kooxaha Chelsea & Manchester City oo isku heysta daafac heer caalami ah oo ka tirsan Tottenham Hotspur.

0
818

Kooxaha Chelsea & Manchester City ayaa lagu soo waramayaa iney qiimeynayaan sida ay ku heli karaan daafaca Tottenham Hotspur Toby Alderweireld marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Alderweireld wuxuu waayay kulamo badan sababo dhaawac darteed, wuxuuna kaliya kooxda kasoo muuqday 10-kulan, walow Spurs ay muujisay sida ay uga maarmi karto xidigaan heerka caalami.

Alderweireld wuu soo laabtay maadaama uu 90-daqiiqo ciyaaray kulankii ay garaaceen Newport County ee ku celiska koobka FA Cup, balse wuxuu iska waayay liiska xidigahii ka qeyb galay kulankii North London Derby.

The Guardian ayaa qireysa in labada kooxood ee Blues iyo Citizens ay durba isha ku hayaan isla markaana ay doonayaan iney ka faa’ideystaan.

Blues waxey dooneysaa iney inyar ka maaranto David Luiz iyo Cahill oo aan ku jirin hanaan fiican sidoo kale Citizens iyana waxey badal uga dhigi laheyd Kompany oo ay dhaawacyo dishoodeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan