20-ka kooxood ee haysta Shaxda ugu qaalisan Yurub oo la soo saaray…(Chelsea oo ka sarreysa Real Madrid!)

0
1379

Waxaa la shaaciyey 20-ka kooxood ee leh shaxda ugu qaalisan Yurub waqtigan, iyadoo Chelsea ay ka sarreyso Real Madrid.

Kooxda Manchester City oo shaxdeeda ku kaceyso adduun dhan 777 milyan oo bound ayaa ah naadiga ugu Shaxda qaalisan Yurub waqtigan.

Naadiga PSG ee Faransiiska ayaa iyana ku kaceysa 772 milyan iyadoo ay jirto inay shaxdeeda ka mid yihiin xiddigaha ugu qaalisan kubadda cagta ee Neymar iyo Kylian Mbappé, waxaana ay ku jirtaa kaalinta labaad.

Kaalinta saddexaad waxaa soo gashay kooxda Manchester United oo safkeedu ku kacayo adduun dhan 661 milyan.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta afaraad taasoo ay shaxdeedu ku kacayso 642 milyan oo bound.

Chelsea oo ka sarreysa Real Madrid ayey shaxdeedu tahay 524 waxaana ay ku jirtaa kaalinta shanaad, halka Los Blancos oo lixaad fadhiso ay 440 ku kacayso shaxdeeda.

Haddaba halkaan hoose eeg 20-ka kooxood ee leh shaxda uugu qaalisan:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan