SERIE A: Kooxda Inter Milan oo guul ka gaartay Bologna & Natiijooyinka kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Talyaaniga

0
301

Kulamo ka tirsan kuwa 24-aad ee horyaalka dalka Talyaaniga Serie A ayaa la ciyaaray maanta, iyadoo koxoda Inter Milan ay guul ka gaartay Bologna.

Inter Milan ayaa 2-1 ku martay naadiga Bologna oo ay ku soo dhaweysay garoonkeeda San Siro, waxaana ay sidaas ku soo degtay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Kooxda martida loo ahaa ee Milan ayaa goolka la horreysay waxaana bilowgii ciyaarta 2’daqiiqo u dhaliyey Eder, kaddib caawin uu ka helay Marcelo Brozovic, kaasoo kulanka ka dhigay 1-0 looga gacan sarreeyey Bologna.

Laakiin inta aan la aadin qeybta nashada 25’daqiiqo waxaa goolka barbaraha u dhaliyey kooxda Bologna xiddigeeda Rodrigo Palacio, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta 63’daqiiqo Inter Milan ayaa heshay goolka ay guusha ku qaadatay waxaana u dhaliyey Yann Karamoh, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu ka helay saaxiibkiisa Rafinha.

Kooxda Bologna ee martida ahayd waxaa markaas kaddib ay labo xiddig ka qaateen kaarka guduudan, waxaana ay kala ahaayeen 68’daqiiqo Ibrahima Mbaye iyo 90’daiiqo Adam Masina oo garoonka laga saaray.

Inter Milan ayaa hadda soo degtay kaalinta saddexaad ee kala horreynta horyaalka Serie A, iyadoo leh 48-dhibcood, 24 kulan oo ay ciyaatay.

Natiijooyinka kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Serie A:-

Sassuolo 0 – 0 Cagliari

ChievoVerona 0 – 1 Genoa

Sampdoria 2 – 0 Hellas Verona

Torino 2 – 0 Udinese

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan