RASMI: Robert Lewandowski oo markii 7-aad oo xiriir ah ku guuleystay abaal-marinta…

0
569

Robert Lewandowski ayaa markii 7-aad oo xiriir ah ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka kubbadda cagta sanadka 2017 dalkiisa Poland.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Lewandowski ayaa halka sare ka galay codeyntii loo qaaday sanadkan xiddigaha kubadda cagta ee dalkiisa hooyo ee Poland sida uu warinayo Wargeyska “Pilka Nozna”.

16 gool ayuu u dhaliyey 10 kulan oo uu kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 u ciyaaray xulkiisa qaranka Poland.

“Shafar ayey ii tahay in markii todobaad oo xiriir ah la ii magacaabo ciyaaryahanka sanadka dalkeyga” ayuu yiri kabtanka Poland.

Dhinaca kale Robert Lewandowski ayaa wax yar ka hor bartiisa Instagram-ka ku shaaciyey sawirka isagoo kor u haya abaal-marintan uu ku guuleystay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan