Liverpool oo lagu soo waramayo iney durba u dhaqaaqeen xidig ay ku iloobi karaan Thomas Lemar.

0
583

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa iney u dhaqaaqday xidiga reer Jamaica Leon Bailey si ay ugu iloobaan raacdadii ay ku fashilmeen oo ay ugu dhaqaaqeen intii lagu jiray January xidiga reer France Thomas Lemar.

Reds waxey ku hungowday 22-jirka heerka caalami ee kooxda As Monaco, wuxuuna qorshaha ahaa iney badal uga dhigaan Philippe Coutinho oo ay 142 Malyan oo Pound kaga iibiyeen Barcelona.

Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Jurgen Klopp uu markaan u dhaqaaqay soo xerogalinta xidiga reer Jamaica Bailey kaas oo 22-kulan u saftay kooxdiisa kulamada Bundesliga isagoo dhaliyay 10-gool.

Liverpool waxey suuqii January kasoo heshay Virgil van Dijk, sidoo kalana waxey diyaar u tahay in xagaaga dambe ay lacag dhan 100 Malyan oo Pound suuqa ku bixiso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan