Liverpool Oo Kula Dagaalameysa Arsenal Saxiixa Goolhaye Ka Ciyaara Premier League

0
627

Jurgen Klopp ayaa ku doonaya 40 milyan oo ginni goolhayaha Stoke Jack Butland, laakiin waxa ay tartanka kala kulmi donaan kooxda Arsenal.

Madaxda sare ee Reds ayaa rajeynaya inay goolhayaha England ka dhigaan No 1 ee kooxda ku ciyaarta Anfield ka dib qaab ciyaareed aan loo riyaaqin oo ay kujiraan labada goolhaye ee Reds Mignolet iyo Karius.

Tababare Jurgen Klopp ayaa diyaar u ah inuu Jack Butland ka dhigo saxiixa ugu horeeya xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga kooxda Stoke Jack Butland ayaa noqday mid ka mid ah goolhayayaasha ugu sareeya horyaalka Premier League kadib markii uu badbaadin cajiib ah sameeyay.

Sidookale goolhayaha Stoke waxa uu bartilmaameed xoogan u yahay tababaraha Gunners Arsene Wenger oo u arkaya bedelka saxda ah ee 35 sanno jirka Petr Cech.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Arsena ayaa ku dagaalami doona goolhayaha England, kaasoo aan qarsoodi ka dhigin inuu doonayo u ciyaarista kooxaha heerka sarre.

Simon Mignolet oo ahaa No1aad ee Liverpool ayaa doonaya inuu isaga tago Anfiel, haddii lagu soo daro kooxdiisa goolhaye kale.

Loris Karius ayaa u ciyaaraya Liverpool kulamada Premier League tan iyo sanadka cusub, laakiin weli kuma qanacsana Klopp awooda goolhayaha Jarmalka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan