Leo oo ka dhawaajiyey hadal aan u wanaagsaneyn dhagaha Neymar da Silva

0
1240

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ka dhawaajiyey hadal dharbaaxo ku ah weeraryahanka u dhashay dalka Brazil Neymar da Silva kaasoo 198 Milyan oo ginni ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain.

Super Starkaan Brazil u dhashay ayaa lagu tirayaa inuu yahay mid kamid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan caalamka waxa uuna lacag rikoor ah kaga dhaqaaqay kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou .

“Neymar la’aantiis waxaan nahay koox isku dheeli tiran” Messi ayaa sidaas u sheegay Sunday Mirror

“Tagistiisa waxa ay naga badashay qaabkii aan ku ciyaari jirnay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

“Waxaan luminay weerarkeenii badnaa balse taas badalkeeda waxaa noqonay koox daafac ahaan adag. sidaas darteed hadda waxaan nahay koox isku dheeli tiran,  taas ayaana sabab u ah inaan noqono koox adag” ayuu yiri Messi.

Xilli ciyaareedkii hore kooxda Barca oo heysata Neymar ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad kala sareynta horyaalka LFP ga dalka Spain, balse hadda waxa ay hogaanka kaga hayaan kooxda Los Blancos 18 dhibcood.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan