Michy Batshuayi oo markale shabaqa soo taabtay kana caawiyay Dortmund inay guul muhiim ah gaarto

0
761

 

Cayaaryahan Michy Batshuayi ayaa shabaqa soo taabtay kulankii Dortmund 2-0 guusha kaga qaadatay naadiga Hamburger SV gool kalena waxaa dhaliyay Mario Gotze.

Michy Batshuayi waa kulankiisa labaad oo xariir ah oo uu shabaqa soo taabanayo Bundesligaha Jarmalka wuuna ka reestay kooxdiisii Chelsea oo uu qaab amaah kaga soo tagay maalintii ugu dambeesay suuqa Yurub.

Naadiga Dortmund ma tabin gool dhaliyaheedii Aubameyang oo ay Arsenal ka iibiyeen madaama Michy Batshuayi kusoo baxay gool dhaliye kooxda reer Jarmal siweyn isugu haleen karto.

In ka badan 80,000 oo taageero usoo daawasho tageen garoonka Signal Iduna Park ayaa siweyn ugu sacabo tumeen Michy Batshuayi  marka uu Dortmund hogaanka u dhiigay daqiiqadii 49-aad.

Dortmund guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay haatan booska 3-aad kala sareynta Bundelsiga soo galeen waxayna leeyihiin 37-dhibcood ayagoo cayaareen 22-kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan