David de Gea oo rikoor cusub u dhigay goolhayeyaasha kale ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub

0
879

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee David de Gea ayaa rikoor cusub u dhigay goolhayeyaasha kale ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub.

David de Gea ayaa haatan ah goolhayaha inta ugu badan shabaqiisa gool ka ilaashaday shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, isagoo rikookaas kaga adkaaday goolhayeyaasha kale oo dhan.

Shabaq ilaaliyaha reer Spain ee David de Gea ayaa 18 jeer shabaqiisa gool ka ilaashaday tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana goolhayaha ugu badan ee isagoo aan gool laga dhalin garoonka ka baxay xilli ciyaareedkan shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub.

Ma jiro Goolhaye kale oo rikoorkaas ku heysta De Gea, waxaa ku soo xiga labada gool haye ee Barcelona iyo Atletico Madrid ee Ter Stegen iyo Jan Oblak oo min 17 goor shabaqooda gool ka ilaashaday tartammada oo dhan xilliciyaareedkan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka goolhaye ee inta ugu badan shabaqooda gool ka ilaashaday tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan iyo sida ay u kala horreeyaan:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan