Atletico oo hogaanka Barcelona lix dhibcood ka dhigtay La Ligaha kadib guul muhiim ah ay gaareen

0
751

 

Kooxda Atletcico Madrid ayaa 1-0 guusha kaga qaadatay naadiga Malaga kulan ka tirsanaa La Ligaha waxayna hogaanka haatan ka dhigeen in 6-dhibcood Barcelona kaga heyso.

Antoine Griezmann ayaa cayaarta oo 40-ilbiriqsi socoto hogaanka u dhiibay Atletico wuxuuna noqday goolkan dhaqsiyaha badan mid ay sedex dhibcood qaali ah ku heleen.

Macalin Diego Simeone kooxdiisa safarka ay aaday kuma qasaarin waxayna soo helen guul muhiim ah ayagoo booskooda labaad La Ligaha sii adkeesteen cadaadiska saareen Barcelona madaama 6-dhibcood kaliya hogaanka looga haayo.

Atletico Madrid ayaa leh 52-dhibcood waxayna cayaartay 23-kulan halka Barcelona ay leedahay 58-dhibcood waxayna cayaartay 22-kulan kulanka Barca u harsan habeen dambe naadiga Getafe.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan