Xiddig ay saxiixiisa isku haystaan Man Utd iyo Liverpool oo qirtay inuu taageere u yahay kooxda ka dhisan Old Trafford

0
1048

Christian Pulisic ayaa ka farxiyey kooxda saxiixiisa ku raad-joogta ee Manchester United ka dib markii  uu daaha ka qaaday inuu yaraantiisii taageere weyn u ahaa kooxda Red Devils.

Man United iyo Liverpool ayaa ku dagaalamayey saxiixa 19 sanno jirkaan qaab ciyaareedka wanaagsan kusoo bandhigaya kooxda Borussia Dortmund, sidoo kale kooxda Bayern Munich ayaa xiiso u qabta xiddigaan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Mareykanka Christian Pulisic ayaana u sheegay ESPN FC markii wax laga weydiiyey haddii uu taageere u yahay Man United: “Haa, waan u ahaan jiray, waxaan u ahaa taageere weyn sida iska cad yaraanteydii.

“Haddase waxaan qandaraas kula jiraa kooxda Borussia Dortmund sidaas darteed waxaan ixtiraam u muujinayaa kooxdeyda. Laakiin waa wax iska caadi ah inaan maqlo sheekadaas ku saabsan yaraanteydii”.

Christian Pulisic ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inay macquul tahay inuu dhowaan ka ciyaaro horyaalka England Premier League: “Dabcan Premier League waa horyaal aan caadi aheyn”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan