Kooxda Barcelona oo doonaysa in Final-ka Copa del Rey lagu ciyaaro Caasimadda Spain & Real Madrid oo…

0
816

Kooxda Barcelona ayaa jeclaan lahayd in final-ka Copa del Rey lagu ciyaaro magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Sevilla ayaa isugu soo haray kama dambaysta tartankan Copa del Rey kaasoo ay ciyaari doonaan 21-ka bisha April, laakiin waxaa la soo sheegayaa in Barca ay Jeclaan lahayd in lagu dheelo Madrid.

Waxaa la sugi doonaa go’aanka Gudiga, iyadoo go’aankaas la qaadan doono maalinta Isniinta ah, marka ay wada kulmaan dhammaan macallimiinta kooxaha La Liga, iyadoo la jeex-jeexi doono garoonka lagu ciyaari doono kama dambeysta Copa del Rey.

Inkastoo Madaxweynaha kooxda Sevilla ee Jose Castro uu codsaday in kulankaas lagu ciyaaro garoonka kooxdiisa Estadio Ramon Sanchez Pizjuan, haddana Barcelona waxa ay doonaysaa in final-ka lagu ciyaaro Magaalada Madrid.

Kooxda Real Madrid garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu ayaan la qorsheynaynin in laga codsado in kulankaas lagu ciyaaro, maadaama ay goor hore soo bandhigtay sida aysan u jeclayn.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxa ay u muuqataa in kulankaas lagu marti gelin doono garoonka Estadio Wanda Metropolitano oo ay leedahay Atletico Madrid.

Haddii la xaqiijiyo Isniinta lagu garoonka Atletico lagu ciyaaro Final-ka Copa Del Rey waxa ay noqonaysaa sanadkii labaad oo xiriir ah oo ay kooxdaani marti gelido, maadaama sanadkii hore lagu ciyaaray kama dambeysta tartankan garoonka Vincent Calderon kaasoo ah garoonkii ay ka soo guurtay kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan