Alexis Sanchez oo Neymar Jr ku garaacay saameynta Baraha Bulshada!.. (Sidee?)

0
659

Alexis Sanchez ayaa noqday xiddiga ugu badan ebid ay la soo saxiixato Man United bisha Janaayo ee Maaliyadihiisa inta ugu badan la iibsaday.

Kaliya maahan inuu jabiyay rikoorka iibka Maaliyadaha ee kooxda, laakiin sidoo kale shaacinta saxiixiisa ee baraha bulshada waxay noqotay mid ka saameyn badan 75% saxiixa ugu qaalisan adduunka ee Neymar Junior kaas oo xagaagii laga soo gudbay ka tagay kooxda Barcelona ku biiray Paris Saint Germain.

Ed Woodward oo ah madaxa labaad ee fulinta kooxda Man United ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaaqistii kooxda ee saxiixa Sanchez uu saameyn xoog leh ku yeesha baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka.

“Sanchez wuxuu rikoor ka sameeyay baraha bulshada, waxay ahayd warbixintii ugu weynayd ee ay Man United Instagram-ka dhigto magacaabistiisa waxaana ka helay in ka badan 2 Milyan oo shaqsi.” ayuu yiri Ed Woodward.

“Sidoo kale waxay noqotay warbixintii ugu badneyd ebid ee dadku sii faafiyaan sidoo kale Alexis Sanchez wuxuu noqday shaqsiga ugu horreeya ee laga hadal hayo Twitter-ka maalintiisa, iyadoo aad loo hadal qaaday ololaha #Alexis7.”

🔴 Introducing #Alexis7… #GGMU #MUFC @alexis_officia1

A post shared by Manchester United (@manchesterunited) on

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan