Xavi oo shaaciyey Real Madrid iyo PSG kooxda ku adkaan karta Wareegga 16-ka Champions League

0
1800

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa ka hadlay kulanka adag ee Wareegga 16-ka Koobka horyaalladda Yurub ku dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo PSG, isagoo xusay midda adkaan karta.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Al Sadd, Xavi waxa uu aaminsan yahay in Kooxda Paris Saint-Germain ay wax yar ku cad caddahay kulanka Champions League ee Real Madrid.

Dhinaca kale Xavi waxa uu tilmaamay in kulanka oo lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan Wareegga 16-ka Champions League ay Los Blancos la imaan doonto xiddigaheeda ugu fiican.

“Waxaan aaminsanahay in kooxda PSG ay waxoogaa yar ugu cad caddahay, marka la fiiriyo qaab ciyaareedka Real Madrid” ayuu Xavi u sheegay Radio Monte Carlo.

“Balse real Madrid waxa ay leedahay guul DNA ah, qaasatan Champions League-ga, halkaas oo ay rabaan inay ku muujiyaan heerkooda ugu fiican.”

Real Madrid ayaa lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League soo dhaweynaysa kooxda PSG bartamaha bishaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan