SAWIRRO: Aubameyang, Neymar, Sanchez, Ronaldo, Hazard, Chamberlain & Xiddigo waa weyn oo xalay ku kulmay London

0
2571

Saxiixa cusub ee kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang iyo xiddiga reer Brazil Neymar ayaa hoggaaminayay xiddigihii ka qeybgalay xafladdii ay Shirkadda Nike ugu dabaal-degeysay sanad-guuradii 20-aad ee kabaheeda kubada cagta ee ‘Mercurial’.

Alexis Sanchez, Eden Hazard, Marcus Rashford, Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson, Emre Can iyo Joe Gomes, Karamoko Dembele, Christian Pulisi, Xiddigta Barcelona & England Toni Duggan iyo Weeraryahankii hore ee Brazil Ronaldo ayaa sidoo kale joogay xafladdii xalay ka dhacay Magaalada London.

Xiddigaha ayaa ka soo degay gawaawi isboortis ah oo aad qaali u ah oo ay dhinaca kaga qoran tahay magaca ‘Mercurial’, iyadoo intaa kaddibna sawiro ku galay xarunta Printworks ee London.

Shirkadda Nike waxa ay sidoo kale uga faa’ideysatay fursadaan inay ku soo bandhigto kabaheeda ugu danbeeyay ee The Nike Superfly iyo Vapor 360.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan