WARBIXIN: Robert Lewandowski oo ay ka go’an tahay inuu ku biiro kooxda Real Madrid si uu bedel ugu noqdo …

0
690

Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa Warinaysa in Robert Lewandowski uu isku soo bandhigay kooxda tababare Zidane si ay ula wareegto dhammaadka xilli ciyaareedkan oo uu u noqdo bedelka Karim Benzema ee kooxda Real Madrid.

Karim Benzema oo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin xilli ciyaareedkan, inuu doonayo ku guuleysiga Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League iyo weliba Wakiilkiisa oo xiriir wanaagsan la leh maamulka kooxda reer Spain ayaa kor u sii qaadaya inuu Robert Lewandowski doorto inuu ku biiro Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay shaxdeeda isbedel weyn ku samayn doonto dhammaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana ay wajiyo cusub ku soo kordhin doonto kooxda.

Waxaana la warinayaa in Karim Benzema laga yaabo inuu noqon doono laacibka ugu horreeya ee ka bixi doona Weerarka kooxda Los Blancos ee BBC la isku yiraahdo waa Bale, Benzema iyo Cristiano.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Robert Lewandowski oo qurdhiisu doonaya inuu ku biiro kooxda caasimadda Spain ka dhisan uu ka mid noqon doono xiddigaha cusub ee Real Madrid ay suuqa kala soo wareegeyso dhammaadka xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan