Romelu Lukaku oo shaaciyey Weeraryahanka Tusaalaha u ahaa ee ku dhiiri gelin jiray Kubadda cagta!

0
860

Dhaliyaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday in Weeraryahanka Tusaalaha u ahaa ee ku dhiiri gelin jiray kubadda cagta uu ahaa xiddigii reer Brazil ee Adriano.

Waxa uu Adriano oo 35-sano caan ku ahaa bandhigii cajiibka ahaa ee uu ku soo bandhigay kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga, sidoo kale waxa uu dhaliyey 27 gool 48 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Brazil.

Inkastoo waayihiisa xilligii dambe ay xumaadeen Adriano, hadda Lukaku waxa uu shaaca ka qaaday in dhaawashadiisa ay Hormuud iyo tusaale buuxa u ahayd inuu noqdo xirfadle kubadda cagta ah.

“Xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay dadyowga reer Brazil, dhabtii waan jeclahay xiddigaha Brazil, markii aan yaraa Adriano waxa uu ahaa midka aan ku daydo, maxaa yeelay markii aan yaraa, waxaan lahaa tayadiisa oo kale” ayuu Lukaku u sheegay ESPN Brazil.

“Xoogga badan iyo laadka biddix waan kala mid ahayd, waxaan rajaynayaa inuu markale ciyaaro kubadda cagta, maxaa yeelay waxa uu ahaa ciyaaryahan wanaagsan.”

Adriano ayaa ciyaar joogto ah ciyaarin tan iyo markii uu ka tagay kooxda Flamengo sanadkii 2010-kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan