Real Madrid cayaaryahan iyo lacag ayay PSG ku wareejin doontaa si ay Neymar kaga hesho

0
1230

 

Kooxda Real Madrid ayaa bilaawday qorshe adag oo ay ku dooneyso inay xagaaga nagu soo fool leh kusoo qaadato Neymar Jr.

Dan Balon ayaa qortay in kooxda Madrid ay diyaarisay Isco iyo lacag ku wareejiso dhigeeda PSG si ay Neymar kaga hesho.

Isco ayaa lumiyay kalsoonida macalin Zidane iyo madaxweyne Perez waxaana lagu tashtay in laga diro kooxda marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Neymar xagaagii dhawaa waxay PSG  £199m kaga soo qaatay naadiga Barcelona balse xidigaan ma doonayo inuu Ligue 1-ka France ku nagaado.

Sidaa darteed Real Madrid ayaa xidigaan u balan qaaday in markale laacibka dunida ugu mushaar badan ay ka dhigi doonto si la mid ah hogaamiyaha garoonka Bernabua laga dhigi doono waana sababta keeneyso inuu dalabka Madrid u hanqal taago xidigaan.

Dan Balon ayaa sheegtay in Real Madrid Isco iyo lacag aad u badan ku wareejin doonto PSG si heshiiska Neymar ay u dhameestirto ka hor inta uusan bilaabin koobka aduunka ee xagaagan Russia ka dhici doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan