Liverpool iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiix xiddig u dhashay Jarmalka oo lagu heli karo 28 milyan

0
508

Kooxaha waa weyn ee ku xifaaltama horyaalka England Premier League ee Liverpool iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Hoffenheim Kerem Demirbay.

24 sanno jirkaan Kerem Demirbay ayaa laba gool dhaliyey hal goolna caawiyey 15 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay kooxda tababare Julian Nagelsmann ee Hoffenheim, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 28 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay majaladda Bild, wakiillo ka socda labada kooxood ee ka ciyaara horyaalka Premier League ayaa kulan la yeeshay wakiilka Demirbay, waxayna doonayaan inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska xiddigaan u dhashay dalka Jarmalka.

Kerem Demirbay ayaa laba kulan u saftay xulka qaranka Jarmalka, waana mid ka mid ah xiddigaha qaab ciyaareedka ilqabadka leh xilli ciyaareedkaan kusoo bandhigaya horyaalka Bundesliga.

Dhanka kale, Liverpool ayaa isha ku heysa xiddiga qadka dhexe ee xulka England Jack Wilshere iyadoo wadahadallo ku aadan saxiixa laacibkaan kula jirta kooxda Gunners.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan