Lionel Messi iyo Luis Suarez oo macalin Valverde weydiisteen hal cayaaryahan in xagaagan Barcelona lagu soo kordhiyo

1
2538

 

Labada hogaamiye ee kooxda Barcelona Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa macalinkooda Ernesto Valverde weydiisteen cayaaryahan muhiim ah oo naadi caan ah u cayaaro in xagaagan kooxda lagu soo kordhiyo.

Suarez iyo Messi waxay ka siman yihiin David Alaba oo Bayern Munich iyo xulka Austria u cayaaro in garoonka Camp Nou la keeno.

Barcelona oo xili cayaareedkan bandhig heer sare ah sameeneyso sidoo kalena qarka u saaran inay markii 7-aad La Ligaha Spain ku guuleestaan 10-ka sano ee ugu dambeesay hadana awooda kooxdan inay nusqaanto ma doonayaan Suarez iyo Messi.

Dan Balon ayaa qortay in Suarez iyo Messi taageero weyn u yihiin David Alaba madaama uu boosas kala duwan ka cayaari karo sida daafaca garabka bidix, daafaca dhexe iyo khadka dhexe.

Sidaa darteed waxay macalin Valverde ku booriyeen xagaagan inuu xooga saaro keenista Alaba si uu tartan ula galo Jordi Alba oo marka uu kooxda ka maqan yahay horey u socod laheyn waayo Lucas Digne wuu ku guul dareestay inuu mararka qaar Alba badal u noqdo.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan