Kooxaha Liverpool iyo Manchester United oo iskula dheggan saxiixa xiddig da’yar oo ka tirsan Dortmund

0
869

Sida wararku ay sheegayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa ku loollamaya saxiixa laacibka naadiga Dortmund ee Christian Pulisic.

Man Utd ayaa hadda ku soo biirtay tartanka loogu jiro soo xero gelinta xiddiga Christian Pulisic, kaasoo sidoo kale ay dooneysay naadiga ka dhisan garoonka Anfield.

Tan iyo markii uu ku soo biiray safka hore ee kooxda BVB, xiddigan 19-sano jirka ah ayaa xiiso badan ka helay kooxaha ka dhisan qaaradda Yurub, waxaana 19 kulan oo uu matalay kooxdan u dhaliyey 3 gool.

Warsidaha Sport Bild  ayaa hadda warinaya in Christian Pulisic ay xiiso joogto ah uga imaanayaan Waddanka Ingiriiska, kooxaha doonayana waxaa hor boodaya Manchester United iyo Liverpool.

Xiddiga reer Mareykan ayaa waxaa saxiixiisa ku dagaali doona kooxaha Manchester United io Liverpool, inkastoo ay tartan adag kala kulmi doonaan kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo dhankeeda ka doonaysa soo xero gelinta xiddigan.

Inkastoo Dortmund ay da’yarkan dul dhigi doonto qarashaad badan, haddana waxaa la sheegayaa in laacibkan aysan ku adkaan doonin inuu la qabsado dalka Ingiriiska, maxaa yeelay halkaas horay ugu soo qaatay shan sanadood oo uu ku soo metelay kooxda Brackley Town.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan