Juventus oo 7-0 ku xaaqday Sassuolo iyo Higuain oo markii ugu horeesay sedexley marwada duqda ah u dhaliyay

0
351

 

Kooxda Juventus ayaa hadal heynta Serie A-da la wareegtay kadib markii 7-0 ay cagta ku mariyeen naadiga Sassuolo.

Juve ayaa haatan hogaanka si ku meel gaar ah labo dhibcood ugu qabatay madaama Napoli kulan baaqi u yahay caawana ay la cayaareyso naadiga Benevento.

Sami Khedira ayaa kulankaan labo jeer shabaqa soo taabtay sidoo kalena xili cayaareedkan Juve 6-gool ayuu xidigaan u dhaliyay.

Balse Gonzalo Higuain oo dib ugu soo laabtay bandhigii goolasha lagu yaqiinay ayaa sedexleey kulankan dhaliyay.

Waa markii ugu horeesay ee uu sedexleey ama Hat Trick dhaliyo asigoo xiran maaliyada Juventus weliba kulankiisa 87-aad ayay ku qaadatay inuu marwada duqda sedexleey u dhaliyo.

Labo gool ee kala Juve waxaa u dhaliyeen Miralem Pjanic iyo Alex Sandro oo dabaal daga goolasha bilaabay.

Gees kale AC Milan ayaa 1-1 la dhaafi weesay naadiga Udinese kulan ay safar ahaayeen waxaana goolka u dhaliyay Suso darbad xoogan daqiiqadii 9-aad.

Balse Milan qaybtii labaad cayaarta ayay ka wareetay markii casaan laga siiyay Davide Calabria sidoo kalena goolhaye Donarumma ayaa gool iska dhaliyay daqiiqadii 76-aad sidaasna sedex dhibcood oo qaali ah ayay ku waayeen hal dhibicna ayayna garoonka Udinese kasoo heleen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan