DAAWO: Michy Batshuayi Oo Durba Jabiyay Rikoor Shan Sanno U Yaalay Aubameyang

0
2035

Michy Batshuayi ayaa qaaday taabo uu ku noqday bedelka saxda ah ee Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii uu amaaah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund.

Batshuayi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliya gool kulankiisa ugu horeya Bundesliga tan iyo markii xiddiga reer Gabon Aubameyang sidaas sameeyay sannadkii 2013kii.

24-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Chelsea maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, waxaana uu dhaliyay goolkiisii ugu horeyay daqiiqadii 35aad ciyaartii Dortmund 3-2 kaga badisay Cologne jimcihii.

Inkastoo barbaro ku dhameystay kulankiisii ugu horeeyay kooxda Dortmund Aubameyang,  kaasoo dhacay bishii August 2013kii, haddana Batshuayi ayaa ku guuleysatay kulankiisii ugu horeeyay Bundusliga.

Aubameyang ayaa dhaliyay 98 gool 144 kulan oo Bundesliga uu u saftay Dortmund ka hor inta uusan Arsenal ugu dhaqaaqin 60 milyan oo ginni Arbacadii.

Batshuayi waxa uu furay xisaabtiisii goolasha BVB markii uu ka faa,iideystay fursad uu ka helay Jeremy Toljan qeybta hore ee ciyarata.

Weeraryahanka Chelsea ayaa mar kale gool u bedelay caawin ka timid Christian Pulisic, iyadoo goolka sadexaad ee BVB uu dhaliyay Andre Schurrle daqiiqadii 84aad ee ciyaarta.

DAAWO BANDHIGII BATSHUAYI

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan