Atletico Madrid oo shuruud adag ku xirtay Barcelona si ay uga iibiso Antoine Griezmann

0
1284

Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay Barcelona ka iibiso laacibka u dhashay dalka Faransiiska Antoine Griezmann xagaaga soo aadan, waase keliya haddii ay Barcelona diyaar u tahay inay qeyb ka mid ah heshiiskaan ka dhigto Ousmane Dembele.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa inuu bartilmaameed weyn u noqdo Barcelona xagaaga soo aadan, Atletico Madrid ayaana diyaar u ah inay kubad adag la ciyaarto Catalans.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa ka cagojiideysa in xiddigaan muhiimka u ah ay ka iibiso kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka La Liga. Balse shabakadda Don Balon ayaa sheegeysa inay Atletico Madrid soo dhoweyn doonto haddii ay Barca qeyb ka mid ah heshiiskaan u adeegsaneyso Ousmane Dembele.

Kooxda ka dhisan caasimadda Madrid ayaa isha ku heysa inay Barcelona ka hesho ciyaaryahan (Ousmane Dembele) iyo lacag kaash ah si ay uga iibiso Griezmann oo la aaminsan yahay in loo dhigay lambarka 7aad ee kooxda ka dhisan Camp Nou Stadium.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan