Antoine Griezmann oo aaminsan in Messi ka hor taagan sidii uu Barcelona ku imaan lahaa

0
989

 

Cayaaryahan Antoine Griezmann oo ka tirsan Atletico Madrid ayaa aaminsan in Lionel Messi uu ka hor taagan yahay sidii uu kooxda Barcelona ugu soo biiri lahaa.

Barca ayaa dooneyso inay xagaaga nagu soo fool leh bixiyaan lacagaha 100-milyan euro ah qandaraaska Griezmann lagu jebin karo.

Laakiin shabakada Spanish-ka ah Dan Balon ayaa sheegtay in Antoine Griezmann uu ka cabsi qabo Messi ka hor istaago imaatinkiisa Camp Nou.

Messi ayaa aaminsan hadii Antoine Griezmann uu imaado Camp Nou inay arin xun u tahay Luis Suarez sidoo kalena ay meesha ka bixi doonto wada shaqeynta Leo iyo Luis ka dhaxeyso.

Suarez ayaa dhawaanahan lasoo baxay gool dhalin heer sare ah ayadoo bilawgii xili cayaareedkan hoos u dhac weyn ku habsaday.

Sidaa darteed Antoine Griezmann oo Dan Balon u sir baxay wuxuu sheegay inuusan hubin imaatinkiisa Barcelona madaama uu aaminsan yahay inuusan soo dhaweyn wacan ka heli doono Messi.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan