Kooxda Arsenal oo bartilmaameed ka dhigtay Goolhaye ka ciyaara horyaalka Spain – Waa kee?

0
546

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa la soo warinayaa inuu bartilmaameed weyn u yahay kooxda Arsenal.

Petr Cech ayaa ah goolhayaha koowaad ee Gunners, laakiin 35-sano jirkaan ayaa sameeyey qaladaad badan intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan, tababare Arsene Wenger ayaana doonaya inuu bedelkiisa la soo wareego.

Sida uu warinayo Warsidaha London Evening Standard tababaraha reer France ayey u badan tahay inuu u dhaqaaqo saxiixa Goolwalaha Atletico ee Oblak, kaasoo ah mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican horyaalka La Liga.

Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay caasimadda Spain sanadkii 2014-kii, 25-sano jirkaan ayaa saftay 140 kulan tartammada oo dhan, xiddiga reer Slovenia ayaa kooxda tababare Diego Simeone u saxiixay qandaraas ku eg illaa 2021.

Atletico ayaa weli si adag ugu fara adeygeysa Oblak, laakiin kooxda Arsenal ayaa u muuqata inay diyaar u tahay inay qarash gareyso si ay xal ugu hesho dhibaatooyinkooda dhanka goosha.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan