Olivier Giroud iyo Emerson Palmieri oo daawaday xasuuqii xalay loo geystay kooxdooda cusub ee Chelsea… + SAWIRRO

0
890

Olivier Giroud iyo Emerson Palmieri ayaa goob joog u ahaa xalay xasuuqii loo geystay kooxdooda cusub ee Chelsea.

Bournemouth ayaa guuldarro yaab leh dusha u saartay Chelsea oo ku ciyaareysay garoonkeeda Stamford Bridge, iyadoo saxiixyada cusub ee Blues ay daawanayeen kulankaas.

Wiilasha ku cusub Chelsea ayaa fadhiyey garoonka oo si wacan u daawanayey kulankii xalay 3-0 guuldarro ah ay Blues kala kulantay Bournemouth oo marti u ah.

Weeraryahanka cusub ee Chelsea Giroud, kaasoo 18 milyan oo gini kaga soo dhaqaaqay kooxda Arsenal ayaa la sawiray isagoo sawiro iska qaad ah (selfie) la galaya taageerayaasha kooxdiisa cusub ee Chelsea.

Dhinaca kale dambeedka bidix ee Emerson Palmieri oo Chelsea ay Suuqa Janaayo ka soo qaadatay Roma ayaa dhinac fadhiyey Giroud oo daawanayey kulankii xalay kooxdooda cusub sida xun loo xasuuqday.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan