Maanta oo ku beegan sanadguurada dhalashada Batistuta waxay taageerayaashu dib u xasuusteen gool dhalintiisii!

0
935

Laacibkii hore ee reer Argentine, Gabriel Batistuta ayaa maanta u dabaal degay sanad guurada 49’aad ee dhalashadiisa, iyadoo taageerayaasha kubadda cagtuna ay dib u gocdeen goolashii quruxda badnaa iyo laadadkii awoodda lahaa ee uu tuuri jiray intii uu ciyaaraha naadiyada ku jiray.

Batistuta oo lagu naaneysi jiray ‘Bati Goal’ maadaama uu nasiib u lahaa gool dhalinta ayaa waxa uu u soo ciyaaray naadiyo dhowr ah oo ay ugu horreysay River Plate ee Waddanka Argentine, Boco Juniors, laakiin waxtarkiisa ayaa soo muuqda markii uu u wareegay Fiorentina.

1991-2000, waxa uu u ciyaaray naadiga Fiorentina oo uu u saftay 269 kulan, isagoo u dhaliyay 168 gool, waxaa kaddib uu u wareegay Roma oo uu la qaaday Horyaalka Talyaaniga isagoo u saftay 63 kulan, una dhaliyay 30 gool, isagoo kaddibna u dheelay naadiyo ay ka mid yihiin Inter iyo Al Aarabi ee Qatar ka dhisan.

Isku soo wada duuboo Batistuta oo ciyaarihiisa lagu raaxeysan jiray ayaa waxa uu guud ahaan dheelay 430 kulan isagoo dhaliyay 245 gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan