Wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey Pierre-Emerick Aubameyang markii uu maanta ku biiray kooxda Arsenal

0
699

Weeraryahanka cusub ee reer Gabon oo maanta ku biiray kooxda Arsenal ee Waddanka Ingiriiska, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Wareysigiisii ugu horreeyay bixiyay markii uu noqday ciyaartooy ka tirsan Arsenal, Wareysigiisana waxa uu u dhacay sidatan:-

Su’aal: Wada hadallo dheer iyo qiyaasyo fara badan kaddib aakhirkii waxaad noqotay ciyaartooy Arsenal ka tirsan? waa sidee dareenkaaga?

Jawaab: geba-gebadii, aad baan ugu faraxsanahay in aan halkan imaado, dabcan waan ku faraxsanahay in aan naadigani weyn qayb ka noqdo.

Su’aal: Waa maxay waxyaabaha aad Arsenal ku jeclaatay ee ku soo jiitay?

Jawaab: Waxaan qiyaasayaa in naadigani leeyahay taariikh weyn ayna soo mareen ciyaartooy waaweyn sida Thierry Henry, ninkaasi waa tusaaleheenna haddii aan weeraryahanno nahay, aad baan ugu faraxsanahay.

Su’aal: Maxay tahay waxyaabaha aad ku jeclaatay Henry?

Jawaab: Maxaa yeelay wuxuu ahaa mid dheereeya, goolal fara badanna dhaliyay, dhab ahaantii tusaale lagu dayduu ahaa.

Su’aal: Waxay u muuqataa inuu adigoo kale ahaa?

Waa laga yaabaa, waxaan qabaa in ay tahay inaan aad u shaqeeyo si aan isagoo kale u noqdo, laakiin waan isku dayayaa.

Su’aal: Sidee u qeexi lahayd qaab ciyaareedkaaga?

Anigu waxaan ahay ciyaartooy orod badan, sidoo kale goolalna waan dhaliyaa, waxaa la dhihi karaa xoogaa Henry ayaan u dhowahay, laakiin sidaan iri shaqo badan ayaa ii taalla.

Su’aal: Geba-gebadii waa maxay farriinta aad u direyso taageerayaasha Arsenal?

Jawaab: Waxaan rajaynayaa in aan kaalimaha sare ku soo laaban doonno sida ugu dhaqsaha badan, intii karaankayga ahna waan sameyn doonaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan