Riyad Mahrez oo aan ku jirin Xiddigaha kooxdiisa Leicester City ee caawa wajahaya Everton – Miyuu ku biirayaa Man City?

0
567

Riyad Mahrez ayaa la soo warinayaa inuusan ku jirin shaxda kooxdiisa Leicester City ee caawa la ciyaaraya Everton kulan ka tirsan Premier League, waxaana la sheegayaa inuu xitaa seegay tababarkii saakay kooxdu isugu diyaarinaysay kulankaas.

26-sano jirkaan ayaa la soo warinayaa inuu warqad codsi ah u qoray kooxdiisa, isla markarkaana uu ka dalbaday in la iska fasaxo bishaan Janaayo, waxaana inkastoo suuqa kala iibsiga uu caawa xirmayo haddana xiddigan la la xiriirinayaa Manchester City.

Pep Guardiola ayaa la rumeysan yahay inuu bartilmaameedsanayo inuu xiddigan maanta oo ah maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga la soo wareegto Mahrez, kaasoo la sheegayo inay ka soo gudbiyeen dalbadkii saddexaad oo ku kacaya 55 milyan oo gini.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaysa haatan in xiddiga xulka qaranka Algeria uu isku dayayo sidii caawa inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin uu ugu biiri lahaa Man City sidaas darteedna uu u seegay tababarkii saakay kooxdiisa ay isugu diyaarinaysay kulanka caawa.

Xiddiga ku guuleystay horyaalka Premier League ayaa go’aansaday inuu isaga tago garoonka King Power xagaagii hore, laakiin kooxdiisa Foxes lagu naanayso ayaa ku dhegtay, laakiin caawa waxaa laga yaabaa inuu ku biiro Man City sida wararku ay sheegayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan