“Qof walba waa uu ogyahay in Aubameyang uu yahay Wiil waalan!” – Saxiixa cusub ee Arsenal oo farriin yaab leh u diray Dortmund!

0
1437

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa farriin hawada u mariyey kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund, isagoo isticmaalyey bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka.

Aubameyang ayaa si rasmi ah uga soo tagay Dortmund maanta oo Arbaco ahayd, waxaana xiddiga xulka qaranka Gabon uu adduun dhan 60 milyan oo gini ugu biiray Kooxda Arsenal.

28-sano jirkaan ayaa isagoo hadda Isticmaalaya Warbaahinta xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka, waxa ka raali geliyey kooxdiisii hore ee Dortmund habka uu ku baxay, isagoo isku tilmaamay Wiil Waalan!.

“Marka ugu horreysa aad baan uga xumahay wixii dhacay bishii la soo dhaafay, laakiin anigu waxaan doonayey isbedel xagaagii la soo dhaafay, wey shaqeyn weysay, laakiin haatan waa inay shaqeysaa.” ayuu ka bilaabanayey qoraalka uu Aubameyang soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

“Waxaa laga yaabaa inaysay ahayn dooqii ugu fiicnaa, laakiin qof walba waa uu ogyahay in Auba uu yahay qof waalan, haa waxaan ahay wiil waalan, hahahaha! Qaladaad ayaan sameeyey laakiin weligey qof ma dhaawicin.”

“Weligeey ma iloobi doono afartaas sano iyo barkaas aan joogay Borussia Dortmund, maxaa yeelay dhammaantiin waxaad isiiseen awood aan ku gaaray heerka aan maanta taaganahay, waad mahadsan tihiin dhammaan qoyska BVB, taageerayaasha, Naadiga, Shaqaalaha iyo dhabcan intii aan isku kooxda ahayn.”

“Waxaa qoraalkaas idiin soo diray Auba17 !!!”

Aubameyang, kaasoo dhaliyey 141 gool 213 kulan oo uu u ciyaaray Dortmund ayaa la filayaa in kulankiisa ugu horreeya uu u safto kooxdiisa cusub ee Arsenal ciyaarta ay Sabtida la dheelayaan Everton ee horyaalka Premier League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan