Kooxda Roma oo War cad ka soo saartay Xaaladda Edin Dzeko – Miyey xaqiijisay inuu ka tagayo?

0
781

Agaasimaha Agaasinka kooxda Roma ee Mauro Baldissoni ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Edin Dzeko kooxda ka tagi doonin inta lagu guda jiro maanta oo ah maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga Janaayo oo irdaha loo laabayo caawa.

31-sano jirkaan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxda Chelsea, inkastoo warar soo baxay horraantii todobaadkaan ay soo jeedinayeen inuu burburay heshiiskii uu xiddigan ku imaan lahaa garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa shalay dhammaystiray saxiixa difaacii kooxda Roma ee Emerson Palmieri, laakiin kooxda ka dhisan horyaalka Serie A ayaa hadda meesha ka saartay suurto-galnimada uu maanta Dzeko ku aadi karo kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London.

“Haddii ay Roma rabi lahayd inay iibiso Edin Dzeko, waan ku cadaadin lahayd arrintaas.” Sidaas waxaa BBC Sport u sheegay Baldissoni.

“Laakiin taas bedelkeeda naadigu waxa uu ka istaagay mowqif cad, kama xumayn, ma’aanan doonayn inaan dardar gelino wada xaajoodka, Edin waa ciyaaryahan waa weyn, waan ku faraxsannahay inuu isagu sii joogo halkaan” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Chelsea ayaa la fahamsanyahay inay diiradda saareyso sidii ay maanta ku dhammaystiri lahayd saxiixa Weeraryahanka Arsenal ee Olivier Giroud, kaasoo la wariyey inuuba tijaabada caafimaad u maray kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan