Mauro Icardi Oo Bartiisa Instagram-ka Ku Baahiyay Inuu U Dhaqaaqayo Real Madrid

0
1578

kooxda Inter Milan ayaa sheegtay in Mauro Icardi uu u dhaqaaqi doono dhanka Real Madrid ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bishaan Janaayo.

Real Madrid ayaa dhowr bilood ku raad joogtay xiddiga reer Argentina, laakiin xiisaheeda ayaa ah mid aad u sareeya kadib markii weeraryahanka Los Blangos, Karim Benzema uu hoos u dhac sameeyay xili ciyaareedkaan.

Xiddiga Faransiiska ayaa dhaliyay kaliya labo gool oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, iyadoo Real ay ku jirto kaalinta afaraad ee horyaalka.

Zinedine Zidane ayaa qirtay inaysan kooxda wax dalab ah samayn doonin inta ka dhiman suuqa, laakiin madaxweyne Florentino Perez ayaa laga yaabaa inuu xal wanaagsan keeno si  dhibaatada kooxdiisa xal looga gaaro.

Icardi waxa uu kusoo post- gareeyay bogiisa ​​Instagram-ka habeenkii xalay, haadal ku qornaa luuqada Talyaaniga oo uu ku sheegayo inuu ka tagayo kooxdiisa.

24 jirkaan ayaa taageerayaasha Inter iyo Real labaduba ka heley fariimo kala duwan oo ay kaga jawaabayaan hadalkiisa.

Icardi ayaa dhaliyay 18 gool xilli ciyaareedkan, laakiin lama hubo mustaqbalkiisa waqtiga dheer ee kooxda Inter Milan.

Wuxuu mustaqbalkiisa kubadda cagta kasoo kooxda Sampdoria ka hor inta uusan u dhaqaaqin San Siro sannadkii 2013.

Weeraryahankan ayaa tan iyo markii uu ku biiray kooxda Inter waxa uu u saftay 150 kulan isagoo dhaliyay 93 gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan